HomeWararAl-Shabaab Qarax ku bur-buriyay Saldhiggii Degmada Matabaan

Al-Shabaab Qarax ku bur-buriyay Saldhiggii Degmada Matabaan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Kadib saacado kooban oo Al-Shabaab gacanta ku hayeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu warramayaa in hadda ay isaga baxeen. Wararkii ugu dambeeyay ee Matabaan naga soogaaraya ayaa sheegaya in  dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dib uga laabteen Magaalada oo markii hore ay saacdo kooban ay maamulayeen. Saldhigga Degmada ayay Qaraxyo ku bur-buriyeen sida ay muujinayaan […]

- Advertisement -

Kadib saacado kooban oo Al-Shabaab gacanta ku hayeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu warramayaa in hadda ay isaga baxeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Matabaan naga soogaaraya ayaa sheegaya in  dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dib uga laabteen Magaalada oo markii hore ay saacdo kooban ay maamulayeen.

- Advertisement -

Saldhigga Degmada ayay Qaraxyo ku bur-buriyeen sida ay muujinayaan Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Saldhigga Degmada oo uu ka muuqdo Burbur aad u xooggan.

Waxaana sidoo kale haatan lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay fariisimo ka sameysteen degaan 5km u jiro Magaalada, kuwaasi oo saacad waliba ay macquul ay tahay in ay soo wareeraan Magaalada.

Ciidan aan badnay oo Boolis ah ayaa Magaalada dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo lagu arkayo qaybo ka mid ah Magaalada.

- Advertisement -

Qabsashada Al-Shabaab ayaa timid kadib markii Ciidanka Hirshabeelle oo gacanta ku hayay Magaalada ay isaga baxen Magaalada, walina Maamulka Degmada Matabaan iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolkaasi wax war ah kama soo bixin oo ay kaga hadlayaan qabsashada Al-Shabaab ee Matabeen, inkastoo hadda ay isaga baxeen si dagaal la’aan ah.

Latest stories