HomeWararGuddiga khilaafaadka oo Dowladda Ingiriiska kala hadlay Caqabadaha doorashada

Guddiga khilaafaadka oo Dowladda Ingiriiska kala hadlay Caqabadaha doorashada

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster ayaa Xafiiska Safaarada Dalka Ingiriiska ee Muqdisho ayaa kulan kula qaadatay Gudoomiye  Ku-xigeenka Gudiga Xallinta Khilaafaadka Mudane Maxamed Ibraahin iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga. Kulanka ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada. Qodobada aadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster ayaa Xafiiska Safaarada Dalka Ingiriiska ee Muqdisho ayaa kulan kula qaadatay Gudoomiye  Ku-xigeenka Gudiga Xallinta Khilaafaadka Mudane Maxamed Ibraahin iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga.

Kulanka ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada. Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa:

- Advertisement -

-Habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada.

-Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada.

-Sidoo kale, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha ayaa loo garawsaday inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada.

- Advertisement -

-Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.

-Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda.

Ugu dambayn, Marwo Kate Foster ayaa ku nuuxnuusatay muhiimada GXKHDD iyo in la hufo wareega doorashada ee odayada, ergada, musharixiinta iyo maalinta Doorashada.

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha GXKHDD waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts