HomeWararHowlgal lagula dagaalamayo ka Ganacsiga Maandooriyaha oo ka bilaabanaya Muqdisho

Howlgal lagula dagaalamayo ka Ganacsiga Maandooriyaha oo ka bilaabanaya Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kulan looga hadlaayay amniga Magaalada Caasimadda ah Muqdisho ayaa Maanta waxaa yeeshay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulanka shir guddoomiyey Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Maxamuud Qaroole. Kulanka ayaa waxaa laga saaray amaro looga hortegayo waxyaabaha maanka dooriya oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badaneyey Muqdisho, iyagoona maandooriyeyaasha lagu iibiyo Magaalada cabasho ka muujiyeen dadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan looga hadlaayay amniga Magaalada Caasimadda ah Muqdisho ayaa Maanta waxaa yeeshay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulanka shir guddoomiyey Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Maxamuud Qaroole.

Kulanka ayaa waxaa laga saaray amaro looga hortegayo waxyaabaha maanka dooriya oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badaneyey Muqdisho, iyagoona maandooriyeyaasha lagu iibiyo Magaalada cabasho ka muujiyeen dadka shacabka.

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dhawaan Muqdisho ay ka bilaabi doonaan howlgalo lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada Maandooriyeyaasha noocyadiisa kala duwan.

Taliye Saciid Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsan doono kooxo hubeysan oo ilaaliya warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo iyo kuwa ka ganacsada, uuna Maamulka Gobolka uu diyaariyey goobo la geeyo dadka loo qabto Istimaala maandooriyaha

Wuxuu intaas kusii daray Taliye ku-xigeenka qeybta Guud inay baabi’in doonaa warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadayo cid kasta oo loo soo qabto falalka amni darro iyo isticmaalka maandooriyaha.

- Advertisement -

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, xili shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish uu sheegay in degmada Kaaraan ay noqotay Suuq lagu iibiyo Daroogada, iyadoona laamaha amniga sheegeen in wax ka qaban doonaan falalka amni darro ee soo batay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts