HomeWararWasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka oo xaqiijiyay Eeda loo jeediyay Khadiijo Diiriye

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka oo xaqiijiyay Eeda loo jeediyay Khadiijo Diiriye

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa xaqiijiyay in shaqada Wasaaradda Gargaarka laga eryey 16 shaqaale oo ka tirsanaa Wasaaraddaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Gargaarka ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaasi oo uu xusay in sifo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa xaqiijiyay in shaqada Wasaaradda Gargaarka laga eryey 16 shaqaale oo ka tirsanaa Wasaaraddaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Gargaarka ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaasi oo uu xusay in sifo sharci darro ah shaqada looga eryey.

- Advertisement -

Cabdirashiid Maxamuud ayaa tilmaamay in tallaabada shaqada looga saaray16-ka xubnood ay baalmarsan tahay, kana horimaaneyso Amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda 26-kii bishii shanaad ee 2021, wxuuna intaas kusii daray in Natiijada baarista cabashada shaqaalaha ay la wadeen xafiisyada ay khuseyso.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Qoraal kasoo baxay Agaasimeyaasha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka lagu sheegay inay been abuur tahay Eedeynta 16 shaqaale ka tirsan Wasaaradda u jeediyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku eedeeyey in ay si bareer ah uga jartay Mushaharkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen.

- Advertisement -

Shaqaalahaas oo ah lix iyo toban qof oo isku deegaan ka soo jeeda ayaa sida ay qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, Wasiirka wasaaraddana ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts