HomeWararKhasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar  ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xildhibaano iyo dad shacab ah. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar  ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xildhibaano iyo dad shacab ah.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla xaafadda kulmis ee Jowhar, waxaana qaraxaas uu dhacay xili goobta ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo dad shacab ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Jowhar, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ay ku jiraan Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Kanaani oo kamid ahaa Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhaawacyada Xildhibaanada ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad, si loogu dabiibo, qaraxaas ay ku dhaawacmeen Xildhibaanada ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aaday, xili maalmaha soo socda lagu wado inay Magaaladaas ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hirshabeelle.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts