HomeCaalamkaHoggaamiyaha Ruug caddaaga oo markii shanaad u tartamaya Madaxweynaha Kenya

Hoggaamiyaha Ruug caddaaga oo markii shanaad u tartamaya Madaxweynaha Kenya

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay…. Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sanadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay….

Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sanadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama dastuurka Kenya uu dhigayo in aanu tartami karin inka badan laba xilli oo min shan sano ah.

- Advertisement -

Odinga ayaa ku ammaanay Kenyatta inuu billaabay wadahadal ay ku midoobeen afar sano kahor kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay codbixintii 2017-kii.

Saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay Odinga waxa ay doorashooyinkii 2007 iyo 2013, taageerayaashiisu ka mudaaharaadeen natiijada doorashada, isaga oo sidoo kale maxkamadda la aaday natiiijada doorashooyinkaas, waxana uu sheegay in isagu uu ku guuleystay, laakiin laga xaday.

Isku dhacyo sababay dhimasho ayaa sidoo kale ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017. Laakin waxa uu heshiis nabadeed la galay madaxweyne Kenyatta horraantii 2018-kii, isaga oo dhinaca isaga riixay ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, oo isna si weyn u soo bandhigay hammigiisa Madaxtinimo.

- Advertisement -

Dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kenyatta iyo madax kale ayaa ka qeyb galay daahfurka ololaha Odinga.

Latest stories