HomeWararAkhriso:-TPLF oo si kulul uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi

Akhriso:-TPLF oo si kulul uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu  taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Af-hayeenka Tigreyga Gatachu Reda. Afhayeenka tigreega ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhabar jebin uu ku sameeyay Somaliland, taasi oo carrabka ku dhiftay in aysan jirin sabab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu  taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Af-hayeenka Tigreyga Gatachu Reda.

Afhayeenka tigreega ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhabar jebin uu ku sameeyay Somaliland, taasi oo carrabka ku dhiftay in aysan jirin sabab uu u taageero, waa sida uu hadalka u dhigaye.

- Advertisement -

“Somaliland Ma Ilowsana dhabar jabintii Abiy ku samaynayay markuu farmaajo heshiiska la saxeexday’’ ayuu yiri Afhayeen TPLF Gatachu Reda, mar uu ka jawaabyay war la faafiyay oo ku aaddana in Muuse Biixi uu taageero la garab taagan yahay Dowladda dhexe ee Itoobiya, sida lagu baahiyay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda Itoobiya.

Afhayeenka TPLF Gatachu Reda  ayaa hadalkaa jeediyay, isaga oo la hadlaayay shabakadda Tigree News, ee baahisa wararka jabhadda dagaalka kula jirta Dowladda federaalka Itoobiya Tigreega.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa inta ku daray in shacabka Somaliland aan la qaldi Karin sidoo kalena, Abiy Ahmed uu wado marin habaabin iyo sidii danihiisa uu uga fiirsan lahaa Gobolka, isagoo ku eedeyay iska horkeenid.

- Advertisement -

hadalka Afhayeenka Tigreega ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu  taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF.

“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts