HomeWararBooliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Iskuulka Mucaasir

Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Iskuulka Mucaasir

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qarax Is-miidaamin oo saaka ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir ee ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa dhacay […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qarax Is-miidaamin oo saaka ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir ee ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa dhacay loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lala damacsanaa in lala beegsado kolonyo ay la socdeen Ilaaliya UN-ka oo wadada maraayay.

- Advertisement -

Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu xaqiijiyay inay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen 8 Ruux, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay ku jiraan Arday.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay isugu jiraan Arday, Macalimiin iyo dad shacab ahaa oo goobta marayey, xiligii uu qaraxu dhacayay.

“Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf  kana yimid dhanka Tarbuunka  taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna  ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujiyay burbur xoog leh oo gaaray Iskuulka Mucaasir oo kasoo horjeeda Dugsiga sare ee Banaadir, waxaana dumay derbiyada Iskuulka, iyadoona ay burbureen gaadiidka uu lahaa Iskuulka Mucaasir.

20-kii bishaan November 2021 ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka, waxaana qaraxaas ku naf-waayay Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicaiis Afrika, halka ay ku dhaawacmay Sharmaake Warsame Maxamed.

Latest stories