HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Albaabka hore ee Iskuulka Macaasir oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaas ka dhacay degmada Hodan, waxaana ku geeriyooday 8 […]

- Advertisement -

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Albaabka hore ee Iskuulka Macaasir oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaas ka dhacay degmada Hodan, waxaana ku geeriyooday 8 Ruux, halka 17-kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyey Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka lala damacsanaa in lala beegsado kolonyo ay la socdeen Ilaaliya UN-ka oo wadada maraayay.

Dhinaca kale Al-shabaab oo ka hadashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa ayaa sheegatay Mas’uuliyadiisa, iyagoona tilmaamay in qaraxaas ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil caddaan tababarayaal Melleteri ah.

Qoraal Al-shabaab barahooda qadka ku faafiyeen ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof uu bartilmaameedsaday gaadiid gelbinayay Saraakiil Caddaan ah oo kasoo baxay Xerada Tababarka Jeneraal Goordon.

- Advertisement -

20-kii bishaan November 2021 ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka, waxaana qaraxaas ku naf-waayay Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicaiis Afrika, halka uu ku dhaawacmay Sharmaake Warsame Maxamed.

Latest stories