HomeCaalamkaCanada oo ka dalbatay Muwaadiniinteeda inay si Deg-deg ah uga baxaan Itoobiya

Canada oo ka dalbatay Muwaadiniinteeda inay si Deg-deg ah uga baxaan Itoobiya

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday Muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas. “Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday Muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.

- Advertisement -

“Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’aan” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Canada.

Canada ayaa hore u dhigtay in muwaadiniinteedu ay u safraan waddmo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Myanmar, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka jiraan khataro dhinaca amniga ah.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa muddo laba sanno ka socda dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Jabhadda hubeysan ee Tigrey, waxaana dagaaladii ka dhacay dalkaas ku naf-waayay kumanaan dad shacab ah iyo Askar Ciidan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts