HomeWararWasiirka Amniga oo ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Muqdisho

Wasiirka Amniga oo ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Muqdisho

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir. Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgaladii ay sameeyeen Ciidanka amniga ay kusoo qabteen boqlaal dhallinyaro oo ay ku jiraan kuwo burcad ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgaladii ay sameeyeen Ciidanka amniga ay kusoo qabteen boqlaal dhallinyaro oo ay ku jiraan kuwo burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray, kana qaaday jiray teleefoonada gacanta iyo waxyaabaha kale ee xiligaas wataan.

- Advertisement -

Wasiir Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada lasoo qabtay ay ku jiraan Ciyaar weero oo muddooyinkii dambe ay cabasho ka ahaayeen dadka kunool degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa, isla markaana qaarkood ragga la xiray, halka kuwo kalena baaritaano kadib lasii daayay.

Wasiirka amniga oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa tilmaamay inay socdaal qorshayaal badan oo lagu sugayo amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, lana kordhin doono howlgalada ay wadaan Ciidanka Booliska, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladda ay dhalinyada u sameeyn doonto shaqo abuur, si aan loogu adeegsan falalka amni darrada ee xiliyada qaarkood dhaca.

- Advertisement -

Si kastaba Ciidanka Booliska dowladda ayaa habeenadii lasoo dhaafay howlgalo isdaba-joog ah waxaa ay ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyagoona kusoo qabtay boqolaal dhalinyaro iyo waxyaabaha qarxa ah sida Miinooyin iyo Agabyo kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts