HomeCaalamkaMidowga Afrika iyo Mareykanka oo dalbaday soo nooleynta xabbad-joojinta Itoobiya

Midowga Afrika iyo Mareykanka oo dalbaday soo nooleynta xabbad-joojinta Itoobiya

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Itoobiya maalintii Khamiista, si ay u soo nooleeyaan wadahadalladii xabbad-joojinta ahaa, iyada oo dowladdu oggolaatay in 369 baabuur oo gargaar ah ay galaan gobolka Tigray ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Jeffrey Feltman iyo Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika ayaa Khamiistii gaaray dalka Itoobiya, waxaana labada ergey ay doonayaan in xukuumadda iyo ciidamada kacdoonka wada ee Tigreega iyo xulafadooda ay ku dhawaaqaan xabbad- joojin shuruud la’aan ah, ayna oggolaadaan in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo deegaannada Waqooyiga Itoobiya ee ay dagaaladu saameeyeen.

- Advertisement -

Feltman ayaa markii dambe la kulmay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen.

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay maamulaan Lalibela iyo Kombolcha oo ka tirsan dhulka Axmaarada, sidoo kale waxay u dhaqaaqeen qaybo ka mid ah gobolka Canfarta.

Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin xaalad macaluul ah gobolka Tigray, halkaas oo Qaramada Midoobay ay Khamiistii sheegtay inay awoodi waysay inay cunto geyso muddo bil ah.

Latest stories