HomeWararMaxay ka wada hadleen  Shariif Sheikh Axmed iyo Cali Guudlaawe?

Maxay ka wada hadleen  Shariif Sheikh Axmed iyo Cali Guudlaawe?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Musharax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed  ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan doorashooyinka oo ay laabda mas’uukl si gaar ah uga wada hadleen doorashooyinka Goloha shacabka, oo dhawaan si toos ah loo guda gali doono. Sharriif Sheikh Axmd […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Musharax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed  ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan doorashooyinka oo ay laabda mas’uukl si gaar ah uga wada hadleen doorashooyinka Goloha shacabka, oo dhawaan si toos ah loo guda gali doono.

- Advertisement -

Sharriif Sheikh Axmd oo Qoraal soo saaray kadib kulanka ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle uu ahaa mid  ay kaga wada hadleen dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS.

“Waxaan caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo aan ka wada hadalnay dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS. Kulanka waxaa nagu wehliyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Mudane Yuusuf Gama’diid iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ( Ducaale ). Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in  ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota” ayuu yiri Shariif oo Qoraal soo saaray kadib kulanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts