HomeWararDarawallo ka tirsan shaqalaha Qaramada Midoobay oo dib xorriyadoodii u helay

Darawallo ka tirsan shaqalaha Qaramada Midoobay oo dib xorriyadoodii u helay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Tiro ka mid ah darawallada gawaarida gargaarka ee Qaramada Midoobay oo ay xirtay dowladda Itoobiya todobaadkii hore ayaa la sii daayay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey. Afhayeenka u hadlay Hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midooey oo lagu magacaabo Farxan Haq ayaa sheegay in 34 ka mid ah darawallada la xiray la sii daayay, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tiro ka mid ah darawallada gawaarida gargaarka ee Qaramada Midoobay oo ay xirtay dowladda Itoobiya todobaadkii hore ayaa la sii daayay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka u hadlay Hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midooey oo lagu magacaabo Farxan Haq ayaa sheegay in 34 ka mid ah darawallada la xiray la sii daayay, balse 36 kale ay weli xabsiga ku jiraan.

- Advertisement -

Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP ayaa sheegay in 72 darawal oo ka tirsan hay’adda cunada aduunka ee WFP lagu xiray Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Semera ee gobolka Canfarta.

Waxa uu rajo ka muujiyay in la sii dayn doono qaar ka mid ah wadayaasha gawaarida ee hadda xiran.

Shaqaalahan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa la xiray ka dib markii xaalad degdeg ah ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda federaalka Itoobiya,iyadoo Qaramada Midoobey-na ay walaac ka muujisay xiritaanka Shaqaallaheeda oo ay sheegtay inay arrintaasi saameyn ku yeelan karto gargaar gaarsiinta dadka tabaalaysan ee ku nool qaybo ka mid ah dalka Itoobiya gaarahaanna waqooyiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts