HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble “Waa guul weyn inay Maanta soo idlaatay Doorashadii Aqalka...

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa guul weyn inay Maanta soo idlaatay Doorashadii Aqalka Sare”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Qoraal soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Senatarodii Maanta la doortay ee ku harsanaa Galmudug, kuwaasi oo kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Cabdi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qoraal soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Senatarodii Maanta la doortay ee ku harsanaa Galmudug, kuwaasi oo kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa.

- Advertisement -

Rooble ayaa sidoo kale boggaadiyay Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo guud ahaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isagoo guul ku tilmaamay soo idlaashaha doorashadii Aqalka Sare.

“Waa guul weyn in ay maanta soo idlaatay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee BFS Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in maamul Goboleedyada laga sugayo in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts