HomeWararDoorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug oo bilaabatay

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug oo bilaabatay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Galmudug ayaa haatan ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas. Doorashada dhaceysa oo laba kursi ah ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Musharaxiinta kala hadlay Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa, halka […]

- Advertisement -

Doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Galmudug ayaa haatan ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Doorashada dhaceysa oo laba kursi ah ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Musharaxiinta kala hadlay Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa, halka kan labaad ay ku tartamayaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

- Advertisement -

Wafdi ka kala socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku sugan Xarunta ay ka socoto doorashada, sidoo kale waxaa madasha jooga Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Galmudug.

Khilaaf siyaasadeed ayaa maalmihii dambe ka taagnaa labada kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafka, kadib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Latest stories