HomeWararTaalibaan oo xabsiga dhigtay xubno ka tirsan kooxda Daacish

Taalibaan oo xabsiga dhigtay xubno ka tirsan kooxda Daacish

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in halista ay kooxda Daacish ku tahay dalka Afghanistan “hadda la xakameeyey,’ inkasta oo ay jiraan weeraro dhiig badan uu ku daatay oo dhowaanahan lagu dilay tobanaan qof. Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Daacish “aysan aheyn halis weyn,” isaga oo intaas ku daray in 600 oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in halista ay kooxda Daacish ku tahay dalka Afghanistan “hadda la xakameeyey,’ inkasta oo ay jiraan weeraro dhiig badan uu ku daatay oo dhowaanahan lagu dilay tobanaan qof.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Daacish “aysan aheyn halis weyn,” isaga oo intaas ku daray in 600 oo isugu jira xubnaha kooxda iyo taageerayaashooda la xiray tan iyo markii ay Taalibaan la wareegtay gacan ku haynta dalka, bartamihii bishii August.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in xitaa ay dhowr haween ah ka mid yihiin kuwa la qabtay, kuwaasi oo ay su’aalo weydiin doonaan haween kale.

 

“Tiro badan ma joogaan Afghanistan, sababtoo ah ma haystaan taageerada shacabka,” ayuu yiri Mujahid, oo intaas ku daray in Taalibaan ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda.

- Advertisement -

Taalibaan ayaa rumeysan in Daacish ay tahay xagjir u ololeysa “jihaal calami ah,” halka ayaga ay yihiin kuwa qarankooda u halgamaya.

Daacish ayaa 2014-tii kasoo caan baxday Syria, waxayna dhiiri gelisay kooxo badan oo caalamka ka dhisan, ayada oo kooxda Daacish ee Afghanistan ay isku magacowday Khorasan, oo ah magaca taariikhiga ah ee gobolka hadda u kala baxay dalalka Afghanistan, Iran, Pakistan iyo Turkmenistan.

Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in si ka duwan Daacishta Bariga Dhexe, ay kooxda Daacish ee Khorasan badankeed yihiin dagaal-yahano gudaha ah oo aan halis ku aheyn dalal kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts