HomeCaalamkaRa'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq oo ka badbaaday isku day lagu khaarijin rabay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq oo ka badbaaday isku day lagu khaarijin rabay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaarin uu ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaarin uu ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay.

- Advertisement -

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa goor hore lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday isbitaalka. Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegay in lix qof oo ka tirsan ciidammada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha lagu dhaacaway weerrarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarka lagu qaaday goobtan ka tirsan magaalada caasamidda ah ee ay ku yaallaan dhismooyin badan oo kuwa dowladda ah iyo safaaradaha shisheeye.

- Advertisement -

Todobaadyadii la soo dhaafay, taageerayaasha kooxaha siyaasadda ee u janjeera dhanka Iiraan ayaa meel u dhaw aagga Green Zone-ka waxa ay ka dhigayeen dibadbaxyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts