HomeCaalamkaHoggaamiyaha Taalibaan oo soo saaray Amar ka dhan ah Koox daba-dhilifyo ah

Hoggaamiyaha Taalibaan oo soo saaray Amar ka dhan ah Koox daba-dhilifyo ah

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray daba-dhilifyada iyo jaajuusiinta ku dhex jira kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan. Iyada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan siiyey amar ah inay sifeeyaan talisyadooda. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray daba-dhilifyada iyo jaajuusiinta ku dhex jira kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan.

Iyada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan siiyey amar ah inay sifeeyaan talisyadooda.

- Advertisement -

Waxa uu yiri “dhammaan odayaasha kooxda waa inay eegaan talisyadooda oo ay arkaan haddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka shaqeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, kadibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cirib-tiraa.”

Taalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxda kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaarad iyo dowladdii hore. Waxay hadda wajaheysaa weeraro dhowr ah oo kaga imanaya kooxda Daacish ee Khorosan.

Talaadadii, ugu yaraan 19 qof oo uu ku jira taliye ka tirsanaa Taalibaan ayaa lagu dilay weerar isugu jiray qarax iyo rasaas, oo ay sheegatay Daacish, kaasi oo ka dhacay isbital militari oo ku yaalla Kabul.

- Advertisement -

Taalibaan ayaa rumeysan inay jiraan shaqsiyaad ku dhex jira kooxda oo ka shaqeynaya wax ka dhan rabitaankeeda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts