HomeWararCumar Filish “Waxaa naga Go’an in hal Mitir oo Dhul dowladeed aan...

Cumar Filish “Waxaa naga Go’an in hal Mitir oo Dhul dowladeed aan dan gaar loo qaadan”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in caqabado badan Maamulka Gobolka uu kala kulmo dib u soo celinta dhulalka dowladda oo sannado badan gacanta dowladda ka maqnaa. Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu caddeeyay in Maamulka Gobolka Banaaadir iyo dowladda haatan jirta aysan marnaba ogolaan doonin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in caqabado badan Maamulka Gobolka uu kala kulmo dib u soo celinta dhulalka dowladda oo sannado badan gacanta dowladda ka maqnaa.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu caddeeyay in Maamulka Gobolka Banaaadir iyo dowladda haatan jirta aysan marnaba ogolaan doonin in hal Mitir oo dhul dowladeed ama dad shacab ah ay leeyihiin dan gaar ah loo qaato, loona dhisto.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii daray Duqa Muqdisho in maalmihii dambe ay soo bateen warar been abuur ah oo lagu sheegayay in dhulal dowladda leedahay danno gaar ah loo dhistay, hayeeshee waxa uu sheegay in marnaba Maamulka ogolaaneynin in la dhisgto dhulalka.

“Waxaan rabaa in aan idiin Cadeeyo in maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda hada jirto aysan Ogalaan doonin in hal Mitir oo Dhulka Dowlada ah si gaara ah loo qaato” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo la hadlaayay warbaahinta.

Duqa Muqdisho ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

- Advertisement -

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts