HomeWararMadaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xarigga ka jaray Xarunta la dagaalanka Ayaxa

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xarigga ka jaray Xarunta la dagaalanka Ayaxa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA l,  taasi oo sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka Keeska Africa.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarunta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Diiriye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaabay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geliyay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta .

Intii ay munaasabadda socotay wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, heshiiska Aqoonsiga xaruntan in ay shaqo bilowday oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Beeraha ee DFS Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Madaxda Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO).

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Wasiirada Beeraha iyo Deegaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS, Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts