HomeWararGuddiga xalinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed

Guddiga xalinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisga loo doortay Mahdi Guuleed ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddiga ayaa faray Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal in la haliyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Sidoo kale Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa caddeeyay in dhageysiga dhinacyada ay khuseyso dacwada iyo Go’aan ka gaarista dacwada ay ku dhameystiri doonaan muddo 7 maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa 2 November 2021.

Ugu dambeyn Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa Guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka dalbaday inay arrintaan si dhow ugala shaqeeyaan xubnaha gacanta ku haaya dacwada ee ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories