HomeCaalamkaMadaxweyne Macron oo Ra’iisul Wasaare Dal ku Eedeeyay inuu ka been sheegay

Madaxweyne Macron oo Ra’iisul Wasaare Dal ku Eedeeyay inuu ka been sheegay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay. Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malaynayo in Mr Morrison uu yun sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Uma malaynayo, waan ogahay.” Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malaynayo in Mr Morrison uu yun sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Uma malaynayo, waan ogahay.”

- Advertisement -

Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay baabi’isay heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa, taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK – gaar ahaan waxa loogu yeedho Aukus.

Ra’iisul Wasaare Morrison ayaa waxaa uu dafiray in aanu daacad ahayn, Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu khilaafku soo shaac baxay bishii September.

Dhinaca isu imaatinka Rome, ayaa madaxweyne Macron waxa uu weriye Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in kale.”Waan arki doonaa waxa uuu la yimaaddo,” ayuu ku jawaabay Mr Macron.

Latest stories