HomeWararCiidanka Kenya oo toogasho ku dilay Nin hubeysan oo dhac geystay

Ciidanka Kenya oo toogasho ku dilay Nin hubeysan oo dhac geystay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee Ismaamulka Kiambu ku dilay Nin hubeysan oo burcad ahaa oo dad shacab ah dhac u geystay. Qoraal kasoo baxay Waaxda dambi baarista ee DCI-da ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay toogasho ku dileen Nin hubeysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee Ismaamulka Kiambu ku dilay Nin hubeysan oo burcad ahaa oo dad shacab ah dhac u geystay.

Qoraal kasoo baxay Waaxda dambi baarista ee DCI-da ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay toogasho ku dileen Nin hubeysan oo dhac u geystay laba qof, kaasi oo markii hore rasaas is dhaafsadeen Ciidanka Booliska, balse la dilay.

- Advertisement -

Waaxda dambi barista ayaa sidoo kale tilmaamtay in Baaritaan dheeraad ah oo ay Saraakiisha amniga ka sameyeen aagga loo yaqaano Gorofa Chafu ee xaafadda Kihunguro ee Kenya ku soo heleen baabuur laga dhacay labadaas qof.

Waaxda DCI-da ee dalka Kenya ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in howlgalka qorsheysan ee laga fuliyay deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee Ismaamulka Kiambu ee dalkaas uu qeyb ka yahay xaqiijinta amniga degaanka.

Si kastaba Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa, labo cisho ka dib markii saddex burcad oo hubeysnaa lagu dilay xaafadda Githurai 45 saacado ka dib markii ay dhaceen baabuur la baakimay, kuwaasi oo markii dambe heleen Ciidanka Booliska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts