HomeWararLafta-gareen iyo Maamulka Xudur oo ka shiray furista Jidad ay xireen Al-shabaab

Lafta-gareen iyo Maamulka Xudur oo ka shiray furista Jidad ay xireen Al-shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Maamulka degmada Xudur. Maamulka Xudur oo uu horkacayey Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey xaalada degmada Dhinacyada Amniga,  Caafimaadka, Waxbarashada iyo dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Maamulka degmada Xudur.

Maamulka Xudur oo uu horkacayey Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey xaalada degmada Dhinacyada Amniga,  Caafimaadka, Waxbarashada iyo dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

- Advertisement -

Madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulka degmada Xudur uga mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen iyo Warbixinta ay ka siiyeen Xaalada Degmada.

“Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa Shaqada aad uhaysaan shacabka reer Xudur Socdaalkayga Xudur waa mid shaqo oo aan ugu kuura-galayo Xaalada Degmada, Amniga Gobolka Bakool waa muhiim in si Wadajir ah looga wada shaqeeyo, dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Wuxuu intaas kusii daray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen “Waa inaan si wadajir ah aan ugu shaqaynaa sidii aan uga dulqaadi lahayn Al-shabaab shacabka, kan dowlad ahaan waxaan wadnaa qorshe la’isugu furaayo Waddooyinka degmooyinka Xudur iyo Waajid iyo Baydhabo.

- Advertisement -

Madaxweynaha Ddowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku suganyahay Degmada Xudur waxa uu kulan la qaadan doona qeybaha kala Duwan Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts