HomeWararQoorqoor “Cidna kama aqbaleyno inay hub sharci daro ku heysato tuulo ka...

Qoorqoor “Cidna kama aqbaleyno inay hub sharci daro ku heysato tuulo ka tirsan Galmudug”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar kale ka hadlay dagaaladii Cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Guriceel, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo Magaaladaas isaga baxay. Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, halka kuwii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar kale ka hadlay dagaaladii Cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Guriceel, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo Magaaladaas isaga baxay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, halka kuwii ku dhaawacmay oo u rajeeyay Caafimaad, wuxuuna sheegay inay dhibaato soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay Colaadii Guriceel.

- Advertisement -

Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Koox hubeysan oo wadata magaca Ahlusunna ay kusoo duushay amniga Galmudug, isla markaana arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, ayna dhowr jeer ka dalbadeen Guriceel oo ay qabsadeen inay si nabad ah uga baxaan, balse ay diideen.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cidna aysan ka ogolaaneynin inay si sharci darro ah hub ugu dhex heysato tuulo kamid ah Maamulkiisa, wuxuuna Ahlusunna ka dalbaday inay si nabad ah ku raadiyaan waxa ay doonayaan.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka sheegay kulan xalay Magaalada Guriceel uu kula qaatay Maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaas oo isugu jiray Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts