HomeCaalamkaMaxay salka ku haysaa xiisadda u dhexeeysa Dowladdaha France iyo Britain?

Maxay salka ku haysaa xiisadda u dhexeeysa Dowladdaha France iyo Britain?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dacwad oogayaasha France ayaa Jimcaha maanta ah amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago kabtanka markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Britain kaasi loo haysto in uu soo galay biyaha Faransiiska ruqsad la’aan, waxayna taasi sare u sii qaadaysa muranka xuquuqda kalluumaysiga oo keeni kara loollan ama dagaal dhanka ganacsiga ah. Maamulka badaha ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dacwad oogayaasha France ayaa Jimcaha maanta ah amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago kabtanka markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Britain kaasi loo haysto in uu soo galay biyaha Faransiiska ruqsad la’aan, waxayna taasi sare u sii qaadaysa muranka xuquuqda kalluumaysiga oo keeni kara loollan ama dagaal dhanka ganacsiga ah.

Maamulka badaha ayaa markabkan gacanta ku dhigay Arbacadii, iyagoo sheegay in aaladda lagula socdo maraakiibta ay ku ogaadeen in uu ka aruriyay in ka badan laba tan oo kalluun ah biyaha Faransiiska iyada oo aanu haysan shati ama ruqsad.

- Advertisement -

Waxa uu wajahayaa eedeymo ah “ ka kalluumeysiga aan fasaxa loo haysan ee biyaha Faransiiska ee doon ka timid meel ka baxsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa raaciyay, waxaana qabanaya ganaax ugu badnaan 75,000 euros ($ 87,000) iyo sidoo kale “ciqaabo maamul.”

Milkiilaha doonta ayaa Jimcaha maanta ah ku celiyay in uu aaminsan yahay in doontu ay haysatay ruqsad sax ah oo ay kaga kalluumeysan karo biyaha Faransiiska.

Britain ayaa Jimcaha maanta ah u yeertay safiirka Faransiiska u fadhiya London si ay ugu sharraxdo “halisaha,” iyadoo tani ay timid saacado ka dib markii ra’iisul wasaaraha France Jean Castex uu soo jeediyay in la furo wadahadal si loo qaboojiyo xiisadda.

- Advertisement -

Xoghayaha deegaanka Britain George Eustice ayaa maanta ku eedeeyay Faransiisku in uu adeegsaday “hadal qallafsan,” isaga oo aan meesha ka saarin in ay ka aargudan doonaan oo ay iyana mamnuuci doonaan in maraakiibta Faransiiska ay kalluunka ay soo qabtaan ku soo dejiyaan dekedahooda.

Britain iyo France ayaa bilihii u danbeeyay isku khilaafsanaa sharciyada cusub ee ruqsadaha ee doomaha Midowga Yurub ee doonaya in ay ka howlgalaan biyaha ku wareegsan Britain gaar ahaan the Channel Islands.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts