HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu qabtay Guriceel?

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu qabtay Guriceel?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ka qabsoomay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka Galmudug, maqaamka Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Magaalada Guriceel. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ka qabsoomay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka Galmudug, maqaamka Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Magaalada Guriceel.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dagaal maalmo qaatay ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna.

Inta uu socday Shirka Golaha ayaa Guddiga Gurmadka ee uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ka warbixiyay gurmadkii ay gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaalada dib u dajinta loogu sameynayo.

Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Ansixinta Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka, waxaana Madaxweyne Qoorqoor uu Golihiisa Wasiirada faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka horyaalla.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts