HomeWararBeesha Caalamka oo Maanta War kasoo saartay Doorashooyinkii ka dhacay Puntland

Beesha Caalamka oo Maanta War kasoo saartay Doorashooyinkii ka dhacay Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay doorashadii Golayaasha degaanka ee maalmo kahor ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee dowlad Goboleedka Puntland, doorashooyinkaas oo ahaa kuwo qof iyo Cod ah. War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa Maamulka iyo  shacabka Puntland loogu hambalyeeyay doorashooyinka Golayaasha deegaanada ee dhacay, iyagoona soo dhaweeyay xamaasadda ay muujiyeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay doorashadii Golayaasha degaanka ee maalmo kahor ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee dowlad Goboleedka Puntland, doorashooyinkaas oo ahaa kuwo qof iyo Cod ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa Maamulka iyo  shacabka Puntland loogu hambalyeeyay doorashooyinka Golayaasha deegaanada ee dhacay, iyagoona soo dhaweeyay xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa Puntland ka rajeeysay dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad Goboleedka Puntland sanada soo socda ee 2022.

“La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka Soomaaliya oo dhan ah.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts