HomeWararRW Rooble oo iyo Guddiga Doorashooyinka oo ka wada hadlay Xareynta Ergada...

RW Rooble oo iyo Guddiga Doorashooyinka oo ka wada hadlay Xareynta Ergada Doorashada

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kula qaatay xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro. Kulanka Rooble iyo Guddiga doorashooyinka ayaa looga wada hadlay dhamaystirka doorashada Aqalka sare oo heer gaba-gabo mareysa iyo dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan la […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kula qaatay xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Kulanka Rooble iyo Guddiga doorashooyinka ayaa looga wada hadlay dhamaystirka doorashada Aqalka sare oo heer gaba-gabo mareysa iyo dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo inay bilaabato .

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u haayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo xareeynta Ergada si Deg-deg ah loo guda-galo,  si  Doorashada golaha Shacabka u bilaabato.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor Guddiga doorashooyinka Somaliland ay shaaciyeen in todobaadka soo socda bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay dhameystiraan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waaxana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Latest stories