HomeWararCiidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah  Basra, Buulo-kuute, Qalimow, gololey iyo deegaaano kale oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah  Basra, Buulo-kuute, Qalimow, gololey iyo deegaaano kale oo hoostaga degmada Balcad oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga qeybta 27-aad ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana Ciidanka ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen Shabaab, waa sida hadalka ay u dhigeen.

Saraakiisha ma shaacin tiro xubno ah oo dileen, balse waxaa ay sheegeen oo kaliya in howlgalka laga fuliyay degaano hoostega degmada Balcad uu ka dhashay khasaaro, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Cidaanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinka ugu dambeeyay kor uqaaday howl-galada ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo todobaadyadii ugu dambeeyay howl galo isdaba joog ah ka sameeyay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo ay kula wareegeen deegaanno hor leh.

Latest stories