HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dad ku dhintay Shil ka dhacay duleedka Hargeysa

Faah faahin kasoo baxeysa Dad ku dhintay Shil ka dhacay duleedka Hargeysa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Soomaalida u taqaano Dhayno iyo gaari […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Soomaalida u taqaano Dhayno iyo gaari kale oo Nooha ahaa oo ay saarnaayeen dad shacab ah, xili laba gaadiid ay isaga hor yimideen Koontaroolka galbeed ee Hargeysa.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay 5 qof ruux oo kala ahaa saddex dumar ah, Canugar yar iyo darawalkii waday gaariga Noohada ayaa ku geeriyooday Shilka, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo si dhaqsi ah loo geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilkii xalay uu geystay khasaaro badan, isla markaana tilmaamay in gurmad deg deg ah loo fidiyey dadkii ku dhaawacmay, iyagoona tacsi u diray dadkii ku naf-waayay Shilka.

Shilal kala duwan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa sidaan oo kale uga dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo degaano kale oo ka tirsan Maamulkaas, waxaana inta badan shilal loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare dheereeya loo wado.

Latest stories