HomeWararMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo Warbixin ka dhageystay Guddi uu magacaabay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Warbixin ka dhageystay Guddi uu magacaabay

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee Gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Puntland. Guddiga ayaa tilmaamay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee Gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Puntland.

- Advertisement -

Guddiga ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida dib udejin ugu samayeen Dadkii dalbaday in Puntland  ay kusii shaqaystaan.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay dadaalkooda ay ku bixiyeen ugar-gaarida dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhanka kale tilmaamay in Dadka lasoo musaafuriyey loo samayn doono Shaqo abuur si noloshooda ay wax ugu bedelaan.

- Advertisement -

Somaliland ayaa dhawaan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo masaafurisay boqolaal dad ah oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool, iyagoona dadkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen falal amni darro oo ka dhacay Laascaanood oo ay fuliyeen kooxo hubeysan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts