HomeWararQarax xoogan oo Mas’uuliyiin lagula beegsaday Baladweyne iyo khasaaro ka dhashay

Qarax xoogan oo Mas’uuliyiin lagula beegsaday Baladweyne iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska, taasi oo ay fariistaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo dad kale ka Agdhawaa Maqaayada, waxaana la xaqiijiyeen inay goobta ku geeriyootay haweeneydii laheyd Maqaayada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Feer-feer Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Booliska Magaalada Baladweyne Maxamed Maxamuud Qoorsheel iyo Askar kale oo ku sugneyd halkaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in qaraxa uu ku geeriyooday Duqa degmada Feer-feer Khaliif Garaad Rooble oo markii hore la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus, hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday.

- Advertisement -

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa Saldhiga Booliska, isla markaana waxaa ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts