HomeWararMidowga Musharaxiinta oo War adeg kasoo saaray dadkii laga soo raafay Somaliland

Midowga Musharaxiinta oo War adeg kasoo saaray dadkii laga soo raafay Somaliland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si adeg uga hadlay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool. War-saxafaadeed kasoo baxay Midowga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si adeg uga hadlay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

War-saxafaadeed kasoo baxay Midowga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Carruur, haween, dhalinyaro iyo Odayaal.

- Advertisement -

Golaha ayaa sheegay inay kasoo horjeedan in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, isla markaana falkaas uu meel ku dhac ku yahay Islaanimada iyo Soomaalinimada.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowlad Goboleedka Puntland uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka isku xilqaamay inay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee loo barakiciyey.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts