HomeCaalamkaTurkiga oo si carro leh uga hadlay heshiis ay kala saxiixdeen France...

Turkiga oo si carro leh uga hadlay heshiis ay kala saxiixdeen France iyo Greece

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka. France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka.

France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku qeexay inuu xoojin xooggan u yahay himilooyinka difaaca Midowga Yurub.

- Advertisement -

Hase yeeshee, Turkey oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara.

“Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka.

- Advertisement -

France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xiriirka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts