HomeWararDoorashadii kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu soo gaba-geeyay Muqdisho

Doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu soo gaba-geeyay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursiga 7-aad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, waxaana kursigaas ku guuleystay Saciid Cabdi oo mar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga 7-aad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, waxaana kursigaas ku guuleystay Saciid Cabdi oo mar kale loo doortay inuu noqdo Senator, isagoo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii uu tanaasulay Jaamac Cabdullaahi.

- Advertisement -

Kursiga 8-aad ayaa waxaa ku loolamay Naciimo Xasan Xaaji iyo Muno Cumar Xasan oo ku fadhiday kursigaas, isla markaana doorashadii dhacday waxaa ku guuleysatay  Naciimo Xasan oo heshay codad gaaraya 30 Cod, halka Muno ay heshay 12 Cod.

Ergada doorashada Somaliland ayaa Cabdirisaaq Axmed Cali u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare, waxaana loogu cadeeyay gacan taag, markii ay tanaasuleen Musharaxiintii la tartamayay ee Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid.

Sidoo kale kursiga 10-aad Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku guuleystay Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed oo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii uu shaaciyay inuu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee ahaa Baashe Maxamed Ismaaciil.

- Advertisement -

Kursiga 11-aad ee ugu dambeeya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku soo baxday Deeq Xasan Xuseen oo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii ay tanaasushay Hodan Abuukar Xasan oo la tartameysay deeqa.

Gebi ahaan Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 11-ka kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana shalay la doortay Lix Senator, halka Maanta la dooray 5 Senator, kuwaasi oo kamid noqnaya Aqalka Sare.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts