HomeCaalamkaCiidamada Israa’iil oo Dad rayid ah ku dilay daanta Galbeed

Ciidamada Israa’iil oo Dad rayid ah ku dilay daanta Galbeed

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto, ka dib markii ay halkasi ka fuliyeen weerarro  milateri.

Afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegay Ahmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan.

- Advertisement -

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda  koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba ruux.

Iska hor imaadyo ayaa dhexmaray Falastiin iyo ciidamada Israa’iil,waxaana  la sheegay in sidoo kale ciidamadaasi ay dhaawaceen shan ruux.

Latest stories