HomeWararUrurada Bulshada Rayidka oo walaac darran ka muujiyay Amniga dalka

Ururada Bulshada Rayidka oo walaac darran ka muujiyay Amniga dalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa mar kale ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Guddoomiyaha Ururada Bulshada Tahliil Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin khilaafka soo noq nqoday ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa mar kale ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Tahliil Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin khilaafka soo noq nqoday ee Madaxda oo weli xal buuxa loo helin xalintiisa.

- Advertisement -

Shaatax ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in khilaafka u dhexeeya Madaxda uu carqabad ku noqday in doorashooyinka dalka ku qabsooman waqtigii loogu tala-galay, sidoo kalena uu saameyn ku yeelan karo khilaafka taagan Amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Tahliil Shaatax ayaa xusay in Ururada Bulshada Rayidka aad uga walaacsan yihiin in sii socoshada khilaafka oo sababi kara isku dhacyo Ciidan, isla markaana loo baahan yahay in la helo siyaasad degan oo lagu maareyn karo Ciidanka ku sugan dalka.

Wadashaqeyn la’aanta Madaxda ayuu Shaatax ku tilmaamay inay ka dhalan karto dib u dhac doorashooyinka ku yimaada, isla markaana taas aysan aheyn wax loo dul qaadan karo, maadaama dad badan uu khilaafka niyad jeb ku riday.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada ugu baaqay inay dadajiyaan doorashooyinka dhacaya, isla markaana ka dalbaday Madaxda in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts