HomeWararCiidanka Nabadsugida oo howlgal lagu qabtay ku dhawaad 100 qof sameeyay

Ciidanka Nabadsugida oo howlgal lagu qabtay ku dhawaad 100 qof sameeyay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ee degmada Luuq  ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay degmadaas ka sameeyay howlgal ballaaran, waxaana laga helayaa faah faahino. Howlgalkan ayey Ciidamada amniga ka sameeyeen inta badan xaafaddaha degmada Luuq, waxaana ay kusoo qab-qabteen ku dhawaad 100 qof oo qaarkood looga shakiyey […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ee degmada Luuq  ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay degmadaas ka sameeyay howlgal ballaaran, waxaana laga helayaa faah faahino.

Howlgalkan ayey Ciidamada amniga ka sameeyeen inta badan xaafaddaha degmada Luuq, waxaana ay kusoo qab-qabteen ku dhawaad 100 qof oo qaarkood looga shakiyey falal amni darro oo ka dhacay guadaha degmadaas.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida degmada Luuq ee Gobolka Gedo Xasan Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu kala saarayo dadka lagu qabtay howlgalka oo u badan dhalinyaro.

Sidoo kale Taliye Xasan Aadan Xasan xilkey ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan sugida amniga degmada, isla markaana waxaa uu dhalinyarada iyo dadka kale ee deegaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro.

Howlgalka dadka lagu soo qabqabtay ee laga sameeyay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Luuq.

Latest stories