HomeWararGuddiga Doorashooyinka oo Warbixin siiyay Golaha Wadatashiga Qaran

Guddiga Doorashooyinka oo Warbixin siiyay Golaha Wadatashiga Qaran

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa xalay Shir fogaan aragga ku yeeshay aalada ZOOM-ka. Shirkaan oo uu guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa diirada lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa xalay Shir fogaan aragga ku yeeshay aalada ZOOM-ka.

Shirkaan oo uu guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa diirada lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

- Advertisement -

Madaxda ayaa isla gartay in la dardar-geliyo bilaabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana la dhameystiro doorashada Aqalka Sare oo weli maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle aysan dhameystirin.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Warbixino la xiriira doorashooyinka ka dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa Warbixin kasiiyay Gollaha Wadatashiga Qaranka habsami u socodka doorashooyinka dalka, iyo sida loogu baahan yahay in lasoo gabagabeeyo kuraasta hadhsan ee doorashooyinka Aqalka Sare.

- Advertisement -

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo lagu salaynayo Jadwalkii ay hore u usoo saareen Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in inta uu socday Shirka Golaha la isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts