HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baraawe

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baraawe

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo xalay ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay oo uu ka dhacay xero ay degan yihiin Rag Macwiisley ah oo ku […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo xalay ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay oo uu ka dhacay xero ay degan yihiin Rag Macwiisley ah oo ku dhow Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ee Baraawe, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo oo gaaray Askar Ciidan.

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ahna isku duwaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ku sugnaa meel ku dhow xerada Macwiisleyda.

Sidoo kale Aadan Cumar ayaa tilmaamay in marnaba aysan niyad jebin doonin weerarada iyo qaraxyada miino ee dagaalamayaasha Al-shabaab la eegtaan Ciidankooda, wuxuuna sheegay inay  la dagaalami doonaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo tuulada Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xaaladda saaka ay tahay mid degan, kadib qaraxii halkaas ka dhacay.

Latest stories