HomeWararSomaliland oo Qoraal ka dhan ah Doorashada Somalia u dirtay Beesha Caalamka

Somaliland oo Qoraal ka dhan ah Doorashada Somalia u dirtay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Maanta soo saartay Qoraal Wargelin ah oo ku socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Wakiilada Beesha Caalamka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa  lagu sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyagoona Beesha Caalamka u sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Maanta soo saartay Qoraal Wargelin ah oo ku socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Wakiilada Beesha Caalamka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa  lagu sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyagoona Beesha Caalamka u sheegay in aysan waxba ka khuseyn doorashada.

- Advertisement -

Somaliland ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uga digtay sheegasho ay sheegeen inay tahay been iyo mid khiyaali ku dhisan oo lagu marin habaabinayo Beesha Caalamka.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin in lagu daro doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha ee ka dhaceysa Soomaaliya, isla markaana aysan waxba ka khuseyn doorashada.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyada oo shalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts