HomeWararLaamaha amniga Marka oo ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaaladaas

Laamaha amniga Marka oo ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaaladaas

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka baixiyay qarax miino oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha Garaash ku yaalla degmadaas.

Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ee dowladda Federaalka Gaashaanle Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Marka uu ahaa miino, uuna ka dhex dhacay Garaash lagu sameeyo gaadiid oo ku yaalla xaafadda Wadajir.

Waxaa uu sheegay Taliye Muunye in qaraxa uu ku geeriyooday oo kaliya Ninkii diyaarinayay oo horey dhowr jeer Ciidanka amniga Marka u xireen, maadaama lagu qabtay falal amni darro iyo kamid ahaanshaha Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ayaa xusay in laamaha amniga ay la wareegeen Garaashka uu qaraxa ka dhex dhacay, isla markaana Garaashkaas ay ka wadaan baaritaano kala duwan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Marka.

Magaalada Marka ee  Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid ah tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Shabeellaha Hoose, waxaana muddooyinkii dambe amniga degmadaas uu ahaa mid wanaagsan oo aysan falal amni darro ka dhicin.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories