HomeWararFahad Yaasiin oo Diyaarad gaar ah ku yimid Magaalada Muqdisho

Fahad Yaasiin oo Diyaarad gaar ah ku yimid Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waaberigii hore ee saaka oo talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Diyaarad gaar ah ayaa Fahad Yaasiin kasoo qaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, taasi oo saaka kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waaberigii hore ee saaka oo talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Diyaarad gaar ah ayaa Fahad Yaasiin kasoo qaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, taasi oo saaka kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa jimcihii lasoo dhaafay diyaarad uu socday lagu xayiray dalka Jabuuti, kadibna lagu celiyay Istanbul oo markii hore uu ka yimid.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeeysay inay ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil la socday, ayna ka xun yihiin talaabadaas.

Dowladda Jabuuti ayaa dhankeeda ka Jawaabtay eedeynta uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in Fahad Yaasiin aysan ku xayirin dalkeeda, hayeeshee diyaarad uu la socday ay cilad qabsatay, sidaasina dib ugu laabatay Turkiga.

- Advertisement -

Fahad Yaasiin Xaajir Daajir ayaa waxaa uu qorshahu ahaa inuu ka qeyb galo Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday isugu yeeray Guddigaas, balse la baajiyay Shirka oo qorshahu ahaa in la qabto 18-kii bishaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts