HomeWararSaraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo kulan ka yeeshay Amniga Gobolka Gedo

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo kulan ka yeeshay Amniga Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolkaas, kaasi oo ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee Gedo. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta sugida amniga deegaanada Gobolka Gedo iyo sidii loo yareeyn lahaa shaqaqooyinka, xiliyada qaarkood ka dhacay xuduudka Balad-xaawo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolkaas, kaasi oo ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee Gedo.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta sugida amniga deegaanada Gobolka Gedo iyo sidii loo yareeyn lahaa shaqaqooyinka, xiliyada qaarkood ka dhacay xuduudka Balad-xaawo.

- Advertisement -

Taliyeyaasha Ciidamada Nabadsugida, Milateriga, Booliska iyo kuwa Asluubta ayaa faray laamaha amniga Gedo inay dardar-geliyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga Balad-xaawo iyo deegaanada kale ee hoostega.

Kulan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada NISA ee Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Bakaal Kooke Taliyaha qeybta Ciidanka Asluubta Gobolka Gashanle dhaxe Cali Maxamed Cumar, Taliyaha Ururka 27aad ee Guutada 10aad ahna ku simaha Taliyaha Guutada-10aad Gashanle Xuseen Maxamed Cali Xidig iyo Saraakiil kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts