HomeCaalamkaIsraa’iil oo dib u soo qabatay Maxaabiis ka baxsaday xabsi amnigiisa adag...

Israa’iil oo dib u soo qabatay Maxaabiis ka baxsaday xabsi amnigiisa adag yahay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa dib u qabtay labadii maxaabiis ee ugu dambeeyay kuwaasi oo ka mid ahaa lix maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ku dhawaad laba toddobaad ka hor ka soo baxsaday xabsi ammaankiisu aad loo adkeeyay. Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in dadka baxsadka ah ay iska dhiibeen magaalada Jenin ee daanta galbeed. Lixda […]

- Advertisement -

Ciidamada Israa’iil ayaa dib u qabtay labadii maxaabiis ee ugu dambeeyay kuwaasi oo ka mid ahaa lix maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ku dhawaad laba toddobaad ka hor ka soo baxsaday xabsi ammaankiisu aad loo adkeeyay.

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in dadka baxsadka ah ay iska dhiibeen magaalada Jenin ee daanta galbeed. Lixda qof ayaa ka baxsday xabsiga Gilboa.

- Advertisement -

Falastiiniyiinta ayaa la rumaysan yahay inay ka baxsadeen qolka xabsiga ee ay ku wada jireen halkaas oo ay god ka qodeen musqushiisa. Wargeyska The Jerusalem Post ayaa ku warramay inay qoditaanka u adeegsadeen qaaddo daxalaysatay oo ay boor hoostii ku qariyeen.

Godka ayaa waxa uu ku sii xiray dhul qodan oo ku hoos yaal xabsiga kaas oo la sameeyay markii jeelka la dhisayay.

Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay godkaas mareen oo ay markii dambana ku gaareen dhinaca shishe ee darbiga xabsiga, kaddibna ay qodeen kanaal dhulka hoostiisa mara oo ku soo beegmay bartamaha dhabbe jid-cadde ah oo bannaanka xabsiga mara.

Latest stories