HomeWararTurkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii lala beegsaday Ciidamo ka tirsan...

Turkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii lala beegsaday Ciidamo ka tirsan DFS

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qarax Is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla albaabka laga galo Xerada Xalane, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii  Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qarax Is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla albaabka laga galo Xerada Xalane, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii  Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ku sugnaa Bar koontarool, iyagoona sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

- Advertisement -

Dowladda Turkigan ayaa tacsi u dirtay qoyska dadkii geeriyooday qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, halka dadkii dhaawacyada soo gaareen ay Alle u weydiiyeen inuu Caafimaad deg deg ah siiyo, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira Al-shabaab.

Ugu yaraan 10 qof oo u badnaa Askar ka tirsaneyd Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka tirro kalena ay dhaawacmeen, waxaana Mas’uuliyada qaraxaas oo Is-miidaamin ah ahaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts