HomeWararKooxda Xasaradaha Adduunka oo Farmaajo uga digtay inuu qaado tallaabo carqalad ku...

Kooxda Xasaradaha Adduunka oo Farmaajo uga digtay inuu qaado tallaabo carqalad ku ah Doorashada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, xili uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Qoraal dheer oo ay soo saareen Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, xili uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal dheer oo ay soo saareen Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ay mar kale dab ku ciyaarayaan, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah iyo doorashooyin.

- Advertisement -

Crisis Group ayaa Beesha Caalamka kula talisay inay cunaqabateyn ku soo rogaan Hoggaamiyayaasha abuuraya xasillooni darada dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan doorashooyinka.

Sidoo kale Kooxda Xasaradaha Adduunka ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka fogaado tallaabo kasta oo lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha, si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada.

“Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa waa inay ka fogaadaan dadaal kasta oo lagu ridayo ra’iisul wasaaraha si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada. Madaxweynuhu waa inuu ku dhaganaadaa ballanqaadkiisii ​​hore ee ahaa inuu ixtiraamo hadal ahaan iyo ficil ahaan awoodda Ra’iisul wasaaraha ee maaraynta doorashada iyo amniga dalka Somalia ” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Crisis Group.

- Advertisement -

Hadalka Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa kusoo aaday, iyada uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaare Rooble, kaasi oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo magacaabista Taliyaha Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts