HomeCaalamkaSiyaasiyiinta Lubnaan oo sanad kadib ku heshiiyay dhismaha Dowlad cusub

Siyaasiyiinta Lubnaan oo sanad kadib ku heshiiyay dhismaha Dowlad cusub

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hoggaamiyeyaasha Lubnaan ayaa isku raacay xukuumad cusub oo uu hoggaaminayo maalqabeenka Sunniga ah Najiib Mikati Jimcihii, kadib muddo sannad ah oo ay ku murmayeen kuraasta golaha wasiirrada, taas oo uga sii dartay burbuka dhaqaale ee dalkaas… Dhaqaalaha Lubnaan oo gaaray heer aad u hooseeya ayaa la filayaa in Xukuumadda cusub ay wadahadalladii dib u kabashada […]

- Advertisement -

Hoggaamiyeyaasha Lubnaan ayaa isku raacay xukuumad cusub oo uu hoggaaminayo maalqabeenka Sunniga ah Najiib Mikati Jimcihii, kadib muddo sannad ah oo ay ku murmayeen kuraasta golaha wasiirrada, taas oo uga sii dartay burbuka dhaqaale ee dalkaas…

Dhaqaalaha Lubnaan oo gaaray heer aad u hooseeya ayaa la filayaa in Xukuumadda cusub ay wadahadalladii dib u kabashada dhaqaalaha mar kale la biloowdo ha’adda IMF.

- Advertisement -

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in dhismaha xukuumadan ay ka dhalatay dadaallo badan oo uu sameeyay dalka Faransiiska, taas oo horseeday in hoggaamiyeyaasha khilaafku ragaadiyay ay ku heshiiyaan gole wasiirro oo samata bixiya dalkan.

Muuqaal laga sii daayay telefishinka, ayaa la arkayay Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Lubnaan, Mikati oo indhihiisa illin ay soo buux-dhaafisay, codkiisuna hoos u dhacay, markii uu ka sheekeynayay dhibka iyo tahriibka ay keentay mashaqada ka dhacay dalkiisa, taas oo ku qasabtay saddex meelood oo meel dadka reer Lubnaan inay sabool noqdaan.

Ma jiro war rasmi ah oo markiiba ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska oo ku saabsan is-afgardka ka dhacay Beyruut.

Latest stories